unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Trump oo si lama filaan ah usoo jeediyey in dib loo dhigo doorashada Mareykanka

Washington DC (Togdheer news) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo jeediyey fikrad uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November.

Trump ayaa, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo.

“Dib u dhiga doorashada illaa inta ay dadka si sax, amni ah oo nabdoon ugu codeyn karaan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Trump ayaa shaki geliyey sharci ahaanshaha codeynta lagu dhiibto habka boostada ee dadka warqadaha codeynta kasoo diraan guryahooda, taasi oo gobollo badan oo ka mid ah dalka ay sare u qaadeen kadib faafitaankii cudurka Coronavirus.

Warka kasoo baxay Trump ayaa yimid ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaan inuu ka dambeeyo musharaxa dimoqraadiga ee Joe Biden, suurta-galna ay tahay in looga adkaayo doorashada 3-da November.

Taariikhda codeynta doorashada Mareykanka – oo ah Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa ee bisha November ee sanad kasta oo afaraad – ayaa waxay ku dhigan tahay dastuurka Mareykanka, waxayna u baahaan doontaa in Congress-ka uu bedelo taasi oo aan muuqan.

Sidaas oo ay tahay soo jeedinta arrintan ayaa ah mid qeyrul caadi u ah dal dunida u muujiya inuu tusaale ugu yahay taariikh soo jireen ah oo ah awood kala wareegis nabdoon.

REUTERS + AP + VOA

Latest News

  • Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Madal Hadalo Kuluul Is Weydaarsaday
  • Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Isku Duwihii Hore Ee Wasaarada Biyaha Gobolka Gabiley Iyo Isku Duwaha Cusub
  • Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Dhalinyar Ku Xidhan Yihiin Berbera
  • Qaar Ka Mida Ardeyda Ka Baxday Dugsiga Gacan-Libaax Oo Dayactir Ku Samaysay Dugsigaasi
  • Hudheel Cusub Oo La Magac Baxay Isoo Mar Ayaa Laga Furay Gebilay

Latest Articles

  • Madaxweynaha iyo Xisbiyada Waxay Masuuliyadi Ka Saarantahay Cidda Umadda Loogu dhiibayo Golayaasha Wakiillada Iyo DeegaankaW/QXuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
  • AQOONSIGA JAMHUURIYADA SOMALILAND WAXYAABIHII FUDUDEYN LAHAA EE QURUXDA QARANKA SOO SAARI LAHAA WAXA AY RAGAAD KU YIHIIN GUDAHEENA !!!
  • Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal
  • Somaliland: Political Parties Agreement Slate Parliamentary and Local Council Elections for Late 2020
  • Hambalyo  Meher Wacan

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital