unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Ciidamada Xoogga Dalka Somaliya Oo Hawlgallo Ka Wada Deegaanno Ku Dhow Baardheere.

TOGDHEERNEWS : -Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka  oo maalmahii la soo dhaafey ay soo gaaren  maleeshiyaadka argagixsiada ee  Al-Shabaab.

Dhame Cali Turkish oo ah Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Degmada Baardheere oo la hadlay warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in  ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobolka.

\dadka ku dhaqan deegaanka Reydab oo Baardheere u jirta ilaa 55-KM ayaasheegay in malleeshiyada Al-shabaab ay si qasab ah uga qaateen xoolo  nool oo gaaraya ilaa 450 neef oo isugu jira Geel iyo Ari, iyagoo sidoo kale afduubtay shan ka mid ah duqeyda deegaanka.

Dhame Cali Turkish ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay howlgal ka sameeyeen  deegaanada Muudaale, Sidimo, Kantama, Takar , halkaasi oo ay isaga carareen argagixsada Al-Shabaab

 

Latest News

  • Kaalmee kuwan iyo Kamarada qarsoon
  • 12 Km Ee Ugu Horeeyay Wadada Berbera Cori Door Ayaa Xadhiga Laga Jaray
  • Ururka Tvyada Madax Banaan Ee SIBA Oo Dhaliilay Gudiga Covid 19 Fariina U Diray Madaxweyne Muuse
  • “Dilkii Taliyaha iyo gudomiyaha Maxkamada Cidi ka dambaysay Waxa lagu wada Badhis”G.Gobolka Sool.
  • Daawo Khudbadii Taliyaha Police-ka Somaliland U Jeediyey Dufcadii Labaad Ee Qasho Qaran

Latest Articles

  • Hambalyo  Meher Wacan
  • Coronavirus dabadii ninkii roon baa reerka u hadhi W/Q Sharmaar Waceys
  • Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!W/Q xuseen laki
  • Mufti Magacaaban iyo Marjac Culimo Oo lagu Midaysan Yahay Midna Ma Hayno W/Q Sharmaarke Aw-muuse
  • Xasuuqii Iyo Mar Kale Maya: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital