unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif

Sida lagu qoray Buugga #Miyyi_ilaa_Madaxtooyo ee #XirsiXaaji qoray, waxaa ku jirtay sheeko ay yartahay inay aad ka maqasho siyaasi Soomaaliyeed taas oo u dhignayd sidatan:
—— ——- ———————– —— ————— ——
Markii labada madaxweyne ay isugu yimaaddeen guriga madaxweyne Silanyo uu ka degganaa London. Waxa si lama filaan ah arrin u soo bandhigay madaxweyne Sh Shariif. Wuxuu yidhi;

“Madaxweyne Silanyo, waxaan jecelahay in aan soo jeediyo in aad noqoto madaxweynaha Soomaaliya oo kursigan aan ku fadhiyo aan kaaga dego, taa beddelkeedana in aad aniga Raysal Wasaarahaaga iga dhigato, kursigaagana aad cid aad ku kalsoon tahay u dhiibto sidaana aan dib ugu soo celinno midnimadii Qarankii Soomaaliyeed.”
——– —— ——————- ——————- ———

Inkastoo uu ka garaabay bandhiggaa loo soo bandhigay kursiga ugu sarreeya ee dalka isla markaana si niyad-sami kujirto iyo rabitaan midnimo qaran, haddana Madaxweyne Siilaanyo codsigaa ma aqbalin isaga oo u sababeeyey in aanay raali ka ahayn dadkii soo doortay!

Aniga waxaa si gaar ah iisoo jiitay wanaaga MD. SH. Shariif iyo sida ay uga go’nayd in la helo midnimo Soomaaliyeed islamarkaana uu isku dayey in uu gudo abaalkii reer waqooyi markii calanka la helay 1960 iyaga oo walaaladooda reer Koonfureed kula midoobay shuruud la’aan.

Afeef:
Kama tirsani xisbiga Himilo Qaran mana taabacsani siyaasadda Shiikha Shariif, balse waxaan u arkay inuu naga mudan yahay inaan qirno kaalintaa u ciyaaray una mahadcelino.

#Mahadsanid_Sh_Sharif 🥰🇸🇴

W/Q:  Najeb Ahmed Balala

 

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Ayaa Sheegtay In Gollayaasha Sharci Dajinta Ee Muddo Dhaafka
  • Maayirka Ceerigaabo oo digniin u diray Haay’addo warar beena ka faafiyay gobolkaasi
  • Shirwaynaha qaran ee hanaanka dhab u heshisiinta qaranka oo muqdisho lagu soo xidhay.
  • Siyaasi Cabdilaahi jawaan Muxu ka yidhi in Ethopia dhex dhaxaadineyso Somaliland iyo Soomaaliya
  • Deg Deg Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya.

Latest Articles

  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif
  • SHEEKH SHARIIF Xujada cusub ee Nabad iyo Nolol W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
  • Maamul Xumo baahsan oo hadhaysay Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii ugu liitay Badhasaabadii soo maray gobolka oo uu ku iloobay Madaxweynuhu.

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital