unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Shaashadaha Moobiladda iyo Tv-yadda oo Halis Caafimaad Ku Keeni Karta Caruurta.

Caruurta wakhtiga dheer ku qaadata eegida shaashada moobilada iyo Tv-yada ayaa la sheegayaa in ay dhaawac u gaysan karaan kobocooda maskaxeed sida lagu sheegay diraasad dhawaan la sameeyay.

Dirasada ayaa lagu daabacay Jariirada ka faaloota Ariaha Caafiamaddka ee JAMA Paediatrics.  

Cilmi baadhistan oo lagu diyaariyay gudaha dalka Canada isla markaana lagu sameeyay carruur ay tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 2,500 oo 2 sano jir ah, ayaa noqotay caddeyntii ugu dambeysay ee loo soo bandhigay doodda ku saabsan sida ay ilmaha dhibaato uga soo gaadhi karto isticmaalka shaashadaha.

Khubaro ku Kala sugan wadamadda a Canada iyo Mareykanka ayaa sheegay in carruurta aan loo fasixin isticmaalka shaashadaha ilaa inta ay ka gaadhayaan 18 bilood oo u dhiganta 1 sano iyo badh.

Mac-hadka caafimaadka carruurta ee dalka Ingiriiska ayaa shaki galiyay diraasadan  isagoo sheegay in ilaa iyo hada aan caddeymo ku filan loo heynin waxyeello toos ah oo carruurta ay ka dhaxlayaan shaashadda.

Daawashada shaashadaha waxaa ku jira in caruurtu ay daawadaan barnaamijyada Telefishinada, filimada ama muuqaallada, ciyaaraha iyo isticmaalka kumbuyuutarrada, tablet-yada, telefoonnada ama qalabka kale ee shaashadaha leh.

diraasada ayaa muujineysaa sida ay carruurta uga gaabinayaan inuu kobco garaadkooda, marka ay wakhti badan ku bixiyaan shaashadda, inkasta oo aanay caddayntani ku filnayn in shaashadda oo lagu bixiyo wakhti ay mas’uul ka tahay hoos udhaca kobaca garaadka carruurta, maadaama ay jiraan waxyaabo kale oo arrintaas sababi kara.

Marka ay caruurtu wakhti badan ku qadato hor fadhiga shahadhaha moobilada amaa Tvyada waxa suurtagal ah in ay ku seegaan waxyaabo badan oo ay baran lahaheyn taasina ay sabab u noqoto in mar danbe ay bartaan wax badan oo yaraantii ay ku seegeen.

 

Xigasho: SAABTV.COM

Latest News

  • Meherad Cusub oo Lagu iibin Doono Cuntadda Itoobiyaanka ayaa Laga Furay Hargaysa.
  • Maraykanka Oo Sheegay Inay Soomaaliya Ka Jiraan Dhibaatooyin Xagga Abaaraha ah.
  • Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhiirri Gelin ugu Tegay Ciidankii Fashiliyay Falal Amni Daro.
  • Golaha Guurtida Somaliland oo Loo Qaybiyay Ajandaha Kalfadhigooda 69-aad.
  • Nin 24-Sanno Ka Hor Diyaaradii uu Nadiifiyaha Ka ahaa oo uu Ka Noqday Duuliye.

Latest Articles

  • Agaasimaha macadanta iyo tamarta s/land ayaa gaadhi ku wareejiyey maamulka degmada faqayuub
  • Ayaa Hortaagan In AY Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan Yahay?
  • Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
  • Ogaysiis: UN HABITAT
  • Miyyi Ilaa Madaxtooyo: Sheeko Dhex Martay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital