unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Seefta Madaxweynaha: Wasiirrada xilka waayey + Wasaarad la soo kordhiyey + isku shaandhaynta galaafatay Xisaabiyihii Guud, Guddoomiyihii Baanka, Maareeyayaal iyo safiirro

Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo, ayaa soo saaray digreeto isugu jirta magacaabis, xil-ka-qaadis iyo isku shaandhayn saamayn ku yeelatay 61 xubnood oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland xalay, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday 19 xubnood oo isugu jira afar wasiir, hal wasiirul-dawle, wasiir-ku-xigeenno, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Xisaabiyihii Guud ee Qaranka, maarihihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayey hay’adaha dawliga ah, halka uu sidoo kale magacaabay Wasiirro, wasiirul-dawlayaal, wasiir-ku-xigeenno, badhasaabo iyo xubno kale oo dawladeed, iyadoo la soo kordhiyey Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska oo laga hoos saaray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Digreetada Madaxweynaha oo faahfaahsan waxa ay u qornayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa (xalay) xil-ka-qaadis, isku beddel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mid ah xukuumadiisa.

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday

1 In Mudane Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolojiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
8 In Mudane Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
9 In Mudane Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
10 In Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
11 In Mudane Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
12 In Mudane Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
13 In Mudane Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
14 In Mudane Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
15 In Mudane Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
16 In Mudane Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
17 In Mudane Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
18 In Mudane Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Gobollada Dalka

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday

1 In Mudane Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland

Digreetada Madaxweynaha iyo Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday;

1 In Mudane Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3 In Mudane Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5 In Mudane Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane Maxamed Geeddi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wakiillada Somaliland u fadhiyidoona dalalka dibeda

Waxa Madaxweynuhu go’aansaday

1 In marwo Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)
2 In Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya
3 In Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti
4 In Mudane Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden

Hay’adaha Dawladda Somaliland

Madaxweynuhu: Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La-dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC)
3 In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxabannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye-ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane Axmed Daa’uud Geeddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

La-taliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynuhu: Wuxuu go’aansaday

1 In Mudane Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Macdanta
3 In Mudane Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeedo: Xil-ka-qaadis

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday uu xilalka ka qaado;

1 Mudane Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
2 Mudane Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada
3 Mudane Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
4 Mudane, Boos Mire Maxamed, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
5 Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
6 Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta
7 Mudane Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
8 Mudane Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir-u-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
10 Mudane Cismaan Garaad Soofe, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
11 Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden
12 Mudane Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti
13 Mudane Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska
14 Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada
15 Mudane Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka JSL
16 Mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye-ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool
17 Mudane Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada
18 Mudane Xasan Aadan Geeddi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
19 Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir-ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Mudaneyaal iyo Marwooyin, waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad-sami ah aad ugu wareejisaan xilalka aad hayseen mudaneyaasha iyo marwooyinka aan xilalka qaranka u soo igmaday, una magacaabay.

Latest News

  • Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Toddoba Xubnood Oo Ka Tirsan Mas’uulyiinta Xisbiga WADDANI.
  • Gudoomiyaha Degmada Duruqsi Ee Gobolka Togdheer Oo Shaaciyay In Ay 5 Qof U Geeriyooday Haraad Iyo Gaajo
  • Daawo:Murrashax Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay Inay Somaliand La Midowdo Imaaraadka Carabta.
  • Gudoomiye kuxigeenada Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Soo wareejiyay xarunta gobolka +Sawirada
  • Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Kursi Ka Mid Ah Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Waa Kursigee ?

Latest Articles

  • Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)
  • Dr. Moxamd Cisman Fadal iyo xaaskiisa Zeinab Yusuf X. Adan Waxay Tacsi U Dirayaan..
  • Qisso cajiib ah : Beenta aad caruurtada bartaa dib ayay kuugu soo noqotaa adiga..WQ/Khadar Ibrahim Aar
  • Ambassador Gaaruf Muu Abbaarin Xaqiiqada Iyo Waxa Keenay Sarrif Bararka: W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • DULIN ABAAREED…WQ Cabdijibaar Aaden Gaas

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital