unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Muddo Kordhinta Guurtidu U Samaysay Madaxweyanah Iyo Gollayaasha.

Hargeysa (Togdhnews)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey muddo-kordhin loo sameeyey Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka ee dalka, kadib markii ay suurtogal noqon wayday in la qabto doorashooyinkoodii.

Fadhi Golaha Guurtidu ku yeeshay xaruntooda guud ee caasimadda Hargeysa shalay, isla markaana goob-joog ka ahaayeen 76 xildhibaan, waxa warbixin talo-soo-jeedin ah laga dhegaystay guddi ka kooban 21 xubnood oo goluhu u xilsaaray arrimaha khuseeya muddo-kordhinta.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida, ahna guddoomiyaha guddida talo-bixinta muddo-kordhinta Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa golaha ka hor akhriyey go’aanka soo jeedintooda muddo-kordhinta, waxaannu yidhi ;“Waxa aannu soo saarnay go’aanadan;

  1. Muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo ku eg 28 April 2017, waxa lagu sameeyey muddo-korodhsiimo ka bilaabaysa 28 April 2017, kuna eg 13 December 2017.
  2. Golaha Wakiillada oo dhammaadka muddo-xileedkoodu ku egyahay 28 April 2017, waxa lagu sameeyey muddo-korodhsiimo ka bilaabmaysa 28 April 2017, kuna eg 28 April 2019. Waxa aannu muddo-xileedka Golayaasha Degaanka oo ku eg 28 November 2017 lagu sameeyey muddo-xileed ka bilaabmaya 28 July 2017, kuna buuxda 28 April 2019.
  3. Doorashada Golaha Wakiillada iyo doorashada Golayaasha Degaanku waxa ay qabsoomayaan isla hal waqti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka loo kordhiyey.
  4. Doorashada Golaha Guurtida waxa la qabanayaa hal sanno kadib muddo-xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga shir-guddoominayey, ayaa ka codsaday xildhibaannada inay cod u qaadaan soo jeedinta guddida, waxana cod gacan-taag ah ku taageeray 74 mudane, waxa diiday hal xidhibaan, mana jirin cid ka aamustay, sidaas ayuuna ku dhaqan-galay korodhsiimaha loo sameeyey Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka oo ah 229 maalmood amma toddoba bilood 29 maalmood, kuna dhammaanaya 13 December 2017, iyadoo doorashada Madaxtooyaduna qabsoomi doonto bil ka hor dhammaadka muddo-xileedka oo noqonaysa 13 November 2017.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo la doortay sannadkii 2005, waxa markale Guurtidu u kordhiyeen inay sii joogaan muddo laba sanno ah, kana bilaabmaysa 28 April 2017 ilaa 28 April 2019, halka Golayaasha Degaanka oo la doortay bishii November 2012, waqtigooda shanta shanno ah ee la doortayna ku buuxdo 28 November 2017, waxa loo sameeyey muddo-xileed ah ilaa 28 April 2019, iyadoo la cayimay in mar qudha la wada qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka.

Dareenka saddexda xisbi qaran ka bixiyeen go’aanka muddo-kordhinta ee Guurtida:

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo go’aanka Guurtida kadib warfidiyeennada la hadlay, ayaa waxa uu si kooban u yidhi; “Haddii aannu nahay xisbiga KULMIYE waannu soo dhawaynaynaa go’aankaas Golaha Guurtida, waanuna ku qanacsanahay, waanan ku kalsoonahay, waanan taageersanahay.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caddeeyey inay xisbi ahaan soo dhoweynayaan go’aanka muddo-kordhinta ee ka soo baxay Golaha Guurtida, balse waxa uu xusay inay ka rajaynayeen Aqalka Odayaasha inuu raaco heshiiska saddexda xisbi, Komishanka iyo Madaxweynuhu hore iskula qaateen.

“Anigu xisbi ahaan iyo shacbiga reer Somaliland-ba waxa ay filayeen, aadna ugu rajo weynaayeen in Golaha Guurtidu tixgeliyaan heshiiskii ay wada gaadheen axsaabta qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweynuhu ee ahaa in la qabto  doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, 10 October 2017, doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaankana la qabto 10 October 2018, kaas ayaanan filaynay oo aannu rajaynayney, hase yeeshee Go’aanka Golaha Guurtidu gaadhay oo dastuurku iyaga xaq u siinayo awoodda muddo-kordhinta, waannu soo dhawaynaynaa go’aankooda muddo-kordhinta,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Mr. Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo u hadlay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, aya isna sheegay inay xisbi ahaan soo dhowaynayaan muddo-kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

“Runtii waxa aannu ka xunnahay in labadii gole ee muddada dheer fadhiyey oo ah Golaha Wakiillada oo la soo doortay sannadkii 2005kii oo meesha fadhiyey  12 sanno, in hadda loo sii kordhiyo muddo laba sanno oo kale ah, taasna ma soo dhowaynayno, waanan ka xunahay, dariiq sharci ah oo kalena waannu u mari doonnaa haddii Ilaahay yidhaah, annaga oo kala tashan doona xisbiyada kale ee aannu ku wada jirno saaxadda siyaasadda, Golaha Guurtiduna sannad ayey ka sii dambaynayaan, markaa waxa ay taasi muujinaynaa in iyagu ay jeclaysteen inay kuraasida iska sii fadhiyaan,” ayuu yidhi Mr. Cabdinaasir.

 

Latest News

  • Daawo:Odayaasha Iyo Waxgaradka Degmada Dila Ayaa Eedaymo Ujeediyay Maamulka Degmada
  • Daawo:Xisbiga Waddani Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Qoranayso Shaqaale Been Abuur Ah
  • Daawo:Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Wiil Ku Dhintay Soo Dhawyantii Waddani
  • Daawo:Sheekh Berberaawi Ayaa Sharraxaad Ka Bixiyay Halka Uu Ka Yimaadaan Isbedelada Bulsheed
  • Daawo:Warbixin: maxaa ka jira in wasiir cali mareexaan iibiyaya Dhulkii ugu badna

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital