unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Wasiirka Daakhaliga Oo Cadeeyay Inay Is-hortaageen Shirkii Garabka UCID Ee Jamaal Cali Xuseen

 

Hargaysa(Togdhnews)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon), ayaa ku haftay inuu fasiraad hufan ka bixiyo Sharciga uu mid ka mid ah labada Garab ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u qaybsamay ugu fasaxay Shirweyne uu ku qabsaday Hargeysa, halka uu Garabka labaadna Shir ay ku baaqeen kaga baajiyey Amar uu soo saaray Habeen-hore.

Wasiir Faratoon, ayaa Warqad uu ku amray inaanay Garabka Jamaal qabsan karin shirka ay u muddeeyeen Salaasadii shalay soo saaray habeen-hore, isla markaana Huteelka ay ku qabsan lahaayeen ee Maansoor ku amray inaan lagu qaban karin shirkaas, halka uu Garabka Faysal uga oggolaaday shirka ay ku qabsadeen shalay isla Hargeysa.

Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha oo Horn Cable TV wax ka weydiiyey Warqadda uu Garab ka mid ah ugu diiday Shirka ay ku baaqeen ee Maansoor uga furmi lahaa, Garabka kalena ugu sharciyeeyey iyo jidka uu u maray, waxa uu ku jawaabay; “Warqaddu way jirtaa anaa qoray, anaa saxeexay, waxaanan u saxeexay inaan dhinaca Maansoor shirkaas lagu qaban, sababtuna wax kale maaha ee waxa weeye sharciga uun baannu ku fadhiisannay. Go’aankii Maxkamadda iyo Go’aankii Guddiga diiwaangelintu wixii ay soo saareen ayuun baannu ku fadhiisannay, wax kale oo dheeraad ahi ma jirin. Annagu si gaar ahna ugama horjeedno Jamaal iyo arrintiisa, wax gaar ah oo aannu ka wadannayna ma jirto. Shircigaa iyo go’aannadaa Maxkamaduhu soo saareen ayuun buu ahaa.”

Wasiir Faratoon oo la weydiiyey bal inuu faahfaahiyo sababta sharci ee uu Garab uga horjoogsaday shirkooda, Garabna ugu oggolaaday, maaddaama oo laba Garab oo is-khilaafsan oo Xisbigu ka dhexeeyo ay yihiin Guddiga diiwaangelinta iyo Maxkamadduna amarro ka soo saareen, waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu u aragnaa inay sharci ahayd in shirkaas Faysal qabsado oo hoggaankii Xisbiga ah. Sidaa aannu warqadda ugu soo saarnay ayuun bay jawaabtayadu tahay.”

Latest News

  • Daawo:Odayaasha Iyo Waxgaradka Degmada Dila Ayaa Eedaymo Ujeediyay Maamulka Degmada
  • Daawo:Xisbiga Waddani Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Qoranayso Shaqaale Been Abuur Ah
  • Daawo:Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Wiil Ku Dhintay Soo Dhawyantii Waddani
  • Daawo:Sheekh Berberaawi Ayaa Sharraxaad Ka Bixiyay Halka Uu Ka Yimaadaan Isbedelada Bulsheed
  • Daawo:Warbixin: maxaa ka jira in wasiir cali mareexaan iibiyaya Dhulkii ugu badna

Latest Articles

  • Oromada iyo Soomaalida Qaad wax ka weyn ayaa ka dhexeyaa!
  • Wal walka iyo kalsooni darada ka qabta garsoorka dalka.Cartan Maxamed Jamac
  • Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland: Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa
  • Maxakamad Siyaasadi Turuqday,Tallo Ha Way Diinin( Dr Daacad Alle Yaqaan)!
  • Af lagaado & Cay midna eedu kuma sama!

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital