unnamed
uha-web-banner-ad Togdheer News Network
logo
logo
head
dahab
<<< Click here to contact us or Send Email to: editor@togdheernews.com>>>
head
head

Halkan Ka Akhri Nuxurka Khudbadii Ugu Horreysay Ee Musharax Cirro Uu Jeediyey

 

Mahad-naq

Waxaan u mahad-celinayaa dhammaan dadkii gacanta ka geystay in uu shirkanu si wanaagsan u qabsoomo,dhammaan madax-da iyo taageerayaasha ergooyinka kale duwan ee ka yimi gobolada iyo qurbaha ee Xisbiga WADDANI.

Walaalayaa marka hore hambalyo waxaan hambalyo ballaadhan u soo jeedinayaa dhammaan xubnaha golaha dhexe taageerayaasha Xisbiga iyo muwaadiniinta reer Somaliland, waa bilowgii guusha Xisbiga ee aad rajayneyseen,mar labaad hambalyo taas lamid ah waxaan u dirayaa walaal-keen saxiib-keen,Musharax ku-xigeenka maanta isna ku guuleystay in uu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka,waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa saaxiib-kay igu qaali ah guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed.

Darreenka Musharax Cirro Iyo Xilka Culus Ee La Saaray

Waxaan ognahay in kal-soonidiina aanay ahayn had-yad ee ay tahay xil culus oo taalaabo weyn u ah ka midho dhalinta himilada dalkeenu ka sugayaa Xisbiga WADDANI,waa kalsooni aan culayskeeda darreemayo.

Waxaan idinka guddoomay masuuliyada xoogan ee aad i saarteen,taa mac-naheedu maaha,waxaan ahay xisbigeena kii ugu kartida -badnaa ama aqoonta bad-naa.lakiin waad ii garateen,waxaan ogahay in aan la’aantiin aanan wax-ba qaban kareen,waxaan ku tiirsanahay taageeradiina taladiina la shaqayntiina iyo bar-bar joogiina

Waxaan si weyn ugu mahad-celinayaa masuuliyiinta miisaanka leh ee ku middoobay in ay umadooda ku haggaan sinaan cadaalad iyo horumar,waxaan ogahay in maanta dad badani ay niyad jabsan-yihiin hungada laga qaaday siyaasiyiinteena,waxaanan umadda reer somaliland u balan-qaadayaa in aan abuuri-doono jiha badal,waxaan abuuri-doonaa oon soo celin-doonaa kalsoonida ay ku qabaan siyaasiga,kalsooni lagu qabo in ay fur-daamin karaan mashaakilka umadda haysta,jawi siyaasadeed oo aanay sal u ahayn waa markaygii iyo wax lamid ah.

Waxaan Maanta la maw-qif ahay oo aan dareemayaa amiirkii muuminiinta Abuubakar A-sidiiq,wuxuu yidhi”dadow waad i doorateen ma’ihi kii idiinku wanaagsanaa itaakeera haddii aan toosnaado,haddii aan gaabiyana itoosiya ,Runtu waa maaano beentuna waa khiyaamo.

Waxaan leeyahay akh-yaartiina i soo hor-fadhida iyo kuwiina hareeraha iaga fadhiyaba ,weynu u simanahay kursiga waase ii garateen,waaan mid aad tanaasul iyo taageero ii fidiseen waa mid aanan weligay iloobi karrin,ragiina damaca lahaa ee aniga iska kay hor marriyey waan u hayn weynaha waxaanan u ahayaa abaal farro badan,

waxaan dareenkay-ga ku soo af-jaraa tudicii saahid qamaan lahaa ee ahaa”Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi, Masaa in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye

Walaalayaa shan-bilood ka hor waxa inoo dhammaaday 25-tan sanadood dadkeena iyo dalkeenu ku noolayeen dowlada aynu wadda jir ku dhisanay,waddo dheer baynu soo wada marnay,waxbadan baa inoo suurta galay in kale oo inoo dhimanina wey jirtaa

Waxan ku kalsoonahay in dhammaan madaxwayne yaashii soo maray jamhuuriyada Somaliland uu mid-waliba wax qabtay oo uu kaalin loo baahna buuxiyey guulo badan oo oo muuqda aynu wada gaadhnay, laakiin hawlo badan oo u baahan hawl karnimo xikmad badan hogaamin toosan iyo wada tashi ayaa ina hor yaala.

Labadda Hawleed ee ugu waaywan ee hada ina hor yalaa ,waxay kala yihiin

1:in wadankani laga dhigo mi loo aqoonsaday oo bulshada caalamka ka mid ah horumar dhaqaale iyo maalgashina loo raadiyo, si loola dagaalamo fikirka shaqo la,aanta , arintaasina waxay u baahantahay diblamaasiyad xeel dheer iyo xidhiidh joogto ah oo lala yeesho beesha caalamka, uma baahna askarinimo iyo beesha caalamka oo la caayo.

Caalamka waxaynu uga baahanahay dhaqaale siyaasad ahaan inay ina taageeran oo ay iyagu dan muuqata ku qabin

Guda-gal ,su,aashu waxay tahay waddani muxuu kaga duwan yahay xisbiyada kale?

waxa had iyo jeer maqashaan isbadal doon oo xisbi walba oo mucaaradi ku naaloodo hadaba, bal aan idiin iftiimiyo muxuu waddani soo wadaa ee uu ku kasbanayaa shacbkiisa iyo taageerayaashiisa uu kaga midho dhalinayo himiladiisa

siyaasada arimaha dibada wadani

aqoonsigu waa midka ugu muhiimsan somaliland hor yaalay 25kii sanadood ee ugu danbeeyey sidaad daraadeed waddani waxa uu ka abaarayaa oo uu hayaa ragii aqoonsiga keenaayey oo uu ugu horeeyo maxamed biixi yoonis,

geedi u socodka dimuquraadiyada

kulmiye waxa uu can ku noqday inuu doorashada kolba godkay joogto ka raro si ay doorashadu dib ugu dhacdo .xisbiga waddani waxa u qorshaysan in doorashada xiligeeda aan dib looga dhigin waxa mudo kordhinta la yidhana la xaarantimeeyo

dhaqaalaha iyo maal galinta

waxaanu soo dhawaynaynaa dhamaan beesha caalamka,ganacsatada iyo shirkadaha waxaanu u sahli doonaa dhamaan shuruudaha maal galineed ee ay wax ku gashanayaan Somaliland

barnaamijka ugu balaadhan ee xisbiga waddani samaynayaa waa shaqo abuur uu u samaynaayo dhalinyarada oo aanu wax wayn ka qabno inay manta dayacan yihiin oo ay shaqo la,yihiin

cadaalada

cadaalada oo ah meesha inuuga xanuunka badan ina buktana insha allaahu nabarada badan ee cadaalada oo ay ugu horayso in la madax banaaneeyo cadaalada iyo garsoorka waa mid ka mida qorshayaasha waddani

kala xadaynta laamah dawlada

waxaad moodaa maanta haaydaha dawlada oo dastuurka Somaliland kala xadeeyey oo kala ah xeer dejinta garsoorka iyo fulinta intaba maanta xukuumadu gacanta ku hayso oo aanay kala madaxbanaanayn insha allaahu waanu kala madax banaanayn doona laamaha dawlada

hanti dhawrka

hanta dhawrka iyo hufnaanta waa arinta ugu muhiimsan ee aanu doono in lagu soo celiyo dawlada ,umadu wa inay ogataa in lala xisaabtamayno insha allaahu waa la awoodayn doona hanta dhawrka jamuuriyada Somaliland

saxaafada

saxaafada waxaanu ku ixtiraami doona shuruucda loo sameeyey anagoo iyagana ka filayna inay u hogaasamaan anshaxa saxaafada insha allaahu tacalaa

walaalayaal halku dhiga aan iidinkaga tagayaa waxa uu go,aanka waddani yahay

inaanu keeno xukuumad inaanu dhisno xukuumadd xaqaagu ku cad yahay muwaadinaw dawgaad u martaana cad yahay sidaad ku heli kartaana cadahay

wasalaamucalaykum waraxmatulahi wa barakaatuhu

Latest News

  • Daawo: Maareeyaha Shirkada Daabacada Sagal Jet Iyo Warbixin Xiiso Badan.
  • Qisadii Raahibkii khamriga cabay iyo danbiyadii uu ku dhacday – Qisooyin uu nabi Maxamed (CSW) ka sheekeeyay
  • Safiirka Jabuuti Ee Somaliland OoKa Hadlay Xuska Maalinta Qaranimda Dalkiisa
  • Laba Mujaahid Oo Taallooyin looga Dhisay Tuulooyinka Awbarkhadle Iyo Dhubato
  • Faahfaahin Qaraxii Magaalada Muqdisho

Latest Articles

  • Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Wiilka Loo Cimaamaday Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Iyo Awoodda Uu Ku Leeyahay Talada Dalkaasi WQ: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
  • Sakaatul fidriga oo waxa ay qayb wayn ka noqon kartaa ka soo kabashada dhibaatada abaaraha!Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
  • Markuu Hoggaanku Asqoobo, Bulshaduna Way Wajaqdaa.
  • Isbedelka Bariga dhexe iyo Isbedelka Soomaaliland
  • Daahfurka Akadamiga Fanka iyo Cilmiga: 2014kii mise 2017ka? Qormada Kowaad

head


All Rights Reserved | Copyright © 2005-2016 : Togdheer News Network | Powered by Horn Digital